Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
habay1
Magac lab
1
H. ah: weel cusub oo la tolay, markaa la agloolay oo hoorihii lagu shubo sii daaya.
2
ld habayo.
habay2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Weel dareere lagu shubay sii dayn.
Is-rogga falkan
-byay, -bayday; -byi
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Habay-ga)
Weel cusub oo la tolay (gocoy), kolka biyo ama wax kale oo la mid ah lagu shubo, sii deynta uu sii daayo, oo dhibcuhu aayar aayar, daldaloollada tolmada uga soo baxbaxaan.