Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
jadeeco1
Magac dheddig
Cudur lays qaadsiiyo oo badanaa carruurta ku dhaca; wuxuu leeyahay qandho kulul iyo qumankoo barara oogadana waxaa ka soo yaaca nabarro iyo finan badan.
jadeeco2
Magac dheddig
Daawo
Cudur aad la isu qaadsiiyo oo uu keeno fiirus, wuxuu u badanyahay in uu ku dhaco carruurta, labadii sano ama saddexdii sano mar ayuu noqdaa safmar. Astaamo: calaamadaha dureyga oo ay weheliso qandho aad u sarreysa baro yaryar oo cas-cas oo dhexda caddaan ku leh (balihii Koblik) iyo canka gudihiisa ka soo baxa. Finan cascas ayaa ka soo baxa marka hore dhegaha xaggooda dambe, wajiga iyo jirka oo dhan.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Jadeeca-da)
Cudur lays qaadsiiyo oo badanaa carruurta ku dhaca; wuxuu lee yahay qandho kulul iyo qumankoo barara oogadana waxaa ka soo yaaca nabarro iyo finan badan.