joog
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
joog1
Magac lab1
Cabbirka dherer ee wax taagani leeyihiin.
2
(-gag, m.l) Dhar ama kabo mar la isu qaadan karo.
3
la midka ah (ld):
jeeg (1)
Weel bir ama macdan ka samaysan, siddo iyo dabool leh oo wax lagu shubto
joog2
Magac labJuqraafiFogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.
joog3
Fal magudbe, isrogrogga 1aad1
Meel ku nagaan.
2
Jirid; noolaansho.
Is-rogga falkan
-gay, -gtay