Qaamuusle LogoQaamuusle

joometeriga Yuklid

Magac labXisaab
Habdhis joometeri oo ku saleysan qeexo iyo dhardhaarro uu dejiyey xisaabyahankii giriigga ahaa “Euclid”, kuna qoray buugga la yiraahdo “The Elements”. Buuggiisa koowaad waxa uu ka bilowdaa 23 qeexo oo ah nooca: “Bar waa mid aan qayb lahayn”, “xarriq waa dherer aan ballal lahayn”. Ka dibna waxa raaca 10 dharhdaarood oo “Euclid” uu u qaybiyey 5 fikrado wadaaga ah iyo weedho.