Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
kalasoocid1
Magac faleed dheddig
sidoo kale: kalasooc¹ (2).
kalasoocid2
Magac dheddig
Baayoloji
Habaynta noolayaasha iyada oo loo kala qaybinayo kooxo taxane ah, laguna salaynayo fisiyoolajigooda, anatamigooda, bayokii-kalkulas miko ahaan ama xidhiidho kale oo ka dhexeeya.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Kalasoocid-da)
Waxyaalo isku darsan, intii is lehba, gaar u saarid; kala bixin.