kala (Qurub Falkaabe) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
kala
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
54 jeer ayaa la eegay
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
Qurub Falkaabe
1
Qurub tilmaamaya wax ka durkid ama ka soocmid.
Tusaale
“Way kala tegeen. kala Kalluunka yaa kala yaqaan?”
2
Qurub tilmaamaya ka gooni ahaansho.
Tusaale
“Way fiicanyihiin”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Erey muujiya wax is-haystey ama wada joogey oo qaybsamay ama midba midka kale ka dhaqaaqay ama ka durkay ama ka soocmay (waa la kala tegey; Berbera iyo Baraawe waa kala fog yihiin; Yaa shinbiraha kala yaqaan? Xariggii waa kala go'ay; Cunnadii bay kala boobeen).