kan (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
kan
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
56 jeer ayaa la eegay
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
kan1
Magac lab
Baruur fuusha kelyaha korkooda.
Wadarta Magacan
kaman, m.l
kan2
Magacuyaal tilmaame lab
Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado.
Tusaale
“Waa kan ninka qoray buugga”
Wadarta Magacan
kuwan, w
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. Qof ama wax lab oo qofka hadla haya u dhow.
2. Goor ama had joogta ama qaarkeed tegey ama iman doono.
3. (Kan-ka) Xayrta kelyaha korkooda ka baxda.
-kan — Ereyga kan kolka uu tilmaanta yahay oo magac ka dabadhaco, kolka magac qodob lihi ka horreeyo, inta k la tuuro baa la isku gaabin karaa (sida: ninka kan = ninkaan; guriga kan = gurigaan; dayaxa kan = dayaxaan; furaha kan = furahaan).