ka (Magacuyaal tilmaame lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
ka
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
66 jeer ayaa la eegay
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
ka1
Magacuyaal tilmaame lab
Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado.
Tusaale
“Ka yimid waa Cali”
Wadarta Magacan
kuwa, w
ka2
Horyaale
Naxwe
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday.
Tusaale
“Balcad ayuu ka yimid”
“Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”
“Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”
“Marka waxaa ka weyn Xamar”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Erey tixda ulajeeddooyin badan oo kala gaar ah u yeela; wuxuu badanaa muujiyaa: meel laga dhaqaaqay, meel laga yimid ama laga soojeedey, wax kala go'ay ama kala durkay, wax la isu foodinayo ama la simayo, kd. (Balcad buu ka yimid; alif-ka-ya'; qalin buu jeebkiisa ka soo baxshey; ceelku aqalka waa ka fog yahay; arrinta wax ka qabo; Marka waxaa ka weyn Xamar; magaaladii qofna waa aan ka garan waayey; baqdin baa ilmaha ka dhawaajisay: afar labo ka gooya: wiilka beenta ka daaya; ...) kolka shaqal aan loo dhexayni ka hormaro, wuxuu noqdaa -ga; (sida: Guuleed iga weyn; naga taga).
-ka — (naxwe) Labada qobod oo dhabta ah (kan kale waa -ta oo qodbaha kale ka farcamaan, midkood; waxaa ka farcama -ga, -ha, -a; wuxuu raacaa magacyada lab oo ku dhammaada B, D, F, L, N, R, S (Sh).