Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
karoor1
Magac lab
1
Meel dhisan oo lagu kaydiyo dalagga ka soo go'a beeraha, kana samaysan tiirar kor loo dhisay dushana laga saaray caws iyo hargo.
2
Wax badan oo lays dulsaaray.
Wadarta Magacan
-rro, m.dh
karoor2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Wax badan is dul saarid.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Karoor-ka)
Dhis dhagax ah ama dhirta korkeeda laga sameeyo oo badarka beeraha ka go'a lagu shubo oo lagu kaydiyo; (godadka dhulka laga qodo oo badarka lagu kaydiyo waa bakaaro).