(-iyo, m.dh) Waxyaalo jaadad badan ah oo salka loo dhuubo, oo inta faraha lagu wareejiyo ama xarig salka lagala dhaco, lagu cayaaro oo aad u xiima una dheereeya.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Kiriiri-ga)
1. Geed qodxo iyo iniino kulkulucsan oo sun ah leh.
2. Waxyaalo jaadad badan ah oo salka loo dhuubo, oo inta faraha lagu wareejiyo ama xarig salka lagala dhaco, lagu cayaaro oo aad u xiima oo u dheereeya.
3. Waxa sida kiriiriga iskuwareeg u xiima; (ama kariir).