Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
kulan1
Magac lab
Isu imaadka dad meel isugu yimaadaan; urur; shir. ld kulanti.
Wadarta Magacan
-ammo, m.dh
kulan2
Magac lab
Xisaab
Urur tirooyin ah oo lagu muujiyo bar ku taalla dulalaati. Bar maguuraan ah oo la yiraahdo unugga iyo xarriiqyo maguuraan ah oo la yiraahdo dhidibbo ayaa tixraac ahaan loo adeeg-sadaa.