Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
laan1
Magac lab
1
Xubinta taranka ee haweenka.
2
Geed lugtool ah.
3
Geed bixiya miro laysku daaweeyo.
4
Magaca carbeedka xarafka “L”.
laan2
Magac dheddig
1
Faraca ka soo baxa jirridda geedka.
2
Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed.
3
Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.
Wadarta Magacan
-aamo/-aano, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Laan-ka) a) Magaca xarafka L. b) Geed lugtool ah. c) Geed laysku daweeyo.
2. (Laan-ta) a) Cad gacan u eg oo geedka weyn ka leexda oo dabadeed kuwo kale oo badan oo yaryar u sii qaybsama oo caleemo iyo ubax iyo miro yeesha. b) Ul ballaaran oo badarka la karsana hayo lagu laamiyo; laaqe; irbe. c) Dhenged; ul.