lafdhabar
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
lafdhabar1
Magac dheddig1
Xiriir lafo ah oo ka kooban riciro yaryar oo is-haysta oo isku xira tunka iyo dabagibinta.
2
Wax kasta qaybta ugu muhimsan. ld lafduud.
Wadarta Magacan
-rro, m.dh
lafdhabar2
Magac dheddigCilmiga-naflaydXiriirka lafaha dhabarka oo ka bilowda salka lafta madaxa kuna dhammaada dabaggibinta. la Waxay ka koobantahay 33 lafood waxaana dhex mara xangullaha, waxay isgoys xubneed wadaagaan lafta madaxa, feeraha iyo miskaha; waxayna u kala baxaan 7 surka, 12 sabalayda, 5 dhabarka hoose, 5 araxda iyo 4 dabaggibinta.
Wadarta Magacan
-rro, m.dh