Qaamuusle LogoQaamuusle

lid

2 Qaab ayuu ereygan leeyahay

lid1
Magac lab
1
L. ah: wax aan wax kale la mid ahayn oo dabeecadda kaga duwan.
Tusaale
Mugdiga ayaa caddada lid ku ah.
2
Cadaw ku ah. Tus.: “Cali ayaa lid ku ah Cabdi” ld liddi.
lid2
Magac labNaxwe
Labo erey oo mataana ah oo micnahoodu iska soo horjeedo sida: “dheer/gaab”, “weyn/yar” iwm; cagsi.