af (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
af
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
54 jeer ayaa la eegay
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
af1
Magac lab
1
Xubinta nafleydu ay wax ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ay ku yaalliin.
2
Dhinaca ay middidu wax goyso.
3
Waddo, tog, xarig iwm dacalka ay ka bilowdaan.
4
Wax guda leh meesha wax looga shubi ama gelin karo.
5
A. leh: sida fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso.
Wadarta Magacan
af2
Magac lab
1
(nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad.
2
A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.
Wadarta Magacan
afaf, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Af-ka)
1. Xubinta nafleydu cunnada ka cunto oo bushimaha iyo carrabka iyo ilkuhu ku yaalliin.
2. Ereyada iyo ulajeeddooyinkooda; hadal dhan oo tol isku garto oo ku wada hadlo, oo wax ku qabsado.