Qaamuusle LogoQaamuusle

dhal

2 Qaab ayuu ereygan leeyahay

dhal1
Magac lab
1
Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo.
2
Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.
Wadarta Magacan

-lal/-llal, m.l

dhal2
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad
1
(f.g) Nafley rimman ubad dihasho.
2
(f.g) Geed miro iwm yeelasho.
3
(f.g) Caano la lulay subag yeelasho.
4
(f.mg) Ilmo if imaan.
Tusaale
Wiil baa dhashay
Is-rogga falkan

-alay, -ashay