Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
madax1
Magac lab
1
Oogada qaybta sare ee nafleyda.
2
Maskax, laab, caqli.
3
Baab.
4
Koox, qayb.
5
Dhool (roob); garab; saylaan.
6
Bayd faal, dhinaca qofka faalka dhigaya soo xiga ma ahee dhinaca kale.
madax2
Magac dheddig urur
Qof meel ama dad u sarreeya; duq waayeel.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Madax-a)
1. Oogada dadka iyo daayeerrada meesha ugu sarraysa iyo tan sankunneefle kaloo badan meesha ugu horraysa; kan nafleyda waaweyn wuxuu ka samaysan yahay lafo maskaxi ku gudajirto, waxaana ku yaal af, san, indho, dhego iyo daaman; waxaa kan dadka ku rogan timo; oogada inteeda kale iyo isaga waxaa u dhexeeya luqun; kur; unuun.