Qaamuusle LogoQaamuusle

majiir

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

majiir1
Magac lab
la midka ah (ld):
majiirid
majiir2
Magac lab
1
Dib u celinta wax ama arrin soconayey gadaal loo celiyo.
2
(-rro, dh.) Suunka dhanka hoose ee kooraha ka lusha oo caloosha faraska looga xiro.
Wadarta Magacan

-rro, m.dh

majiir3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax jahada uu u socday ka weecin.
2
Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan.
3
Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho.
4
Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid.
Is-rogga falkan

-ray, -rtay