mulul
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
mulul1
Magac lab1
(m.u) Haweenay ama neef xoolaad oo uur yeeshay ama rimay iyada oo ilmihii weli nuujinaysa.
2
M. ah: dheddig dad ama xoolaad oo sano walba dhasha.
3
M. ah: neef ari ah oo aad caato u ah.
4
la midka ah (ld):
mululid
mulul2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad1
Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho.
2
Neef ari ah aad u caatoobid.
Is-rogga falkan
-ulay, -ushay