Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
nashnaash1
Magac lab urur
1
Sii qurxinta wax hore u jiray sida dhismo, farsamo iwm.
2
Inta lagu kordhiyo hadal hore murtidiisa loo yiri. ld naashnaash¹.
nashnaash2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Dhismo, farsamo iwm qurxin.
2
Hadal murtidiisa hore loo yiri wax ku darid. ld naashnaash².
Is-rogga falkan
-shay, -shtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Nashnaash-ka)
1. Cadad maryo ah ama calammo oo midabyo badan oo inta laysku xirxiro, maraakiibta iyo doonyaha la saaro oo lagu qurxiyo malmaha iidaha ah ama xus weyn la dhiga hayo.