oodjiid
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
oodjiid1
Magac lab1
Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada.
2
Xuja adag oo cid la hor dhigo.
3
Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.
oodjiid2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad1
U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi).
2
U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn.
3
U o.: cid xuja adag hor dhigid.
4
U o.: cid wax dooneysa qadin.
Is-rogga falkan
-day, -dday