Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
qalaanqal1
Magac lab
Qas; qulqulad; wareer.
qalaanqal2
Magac lab ama dheddig
1
Qas; qulqulad; wareer.
2
Geed-abaareed higlada u eg aan qodxo lahayn leh miro yaryar oo cas cas,qalbijab² dambaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo laga dhigto, oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Qalaanqal-ka) Qas; qulqulad; wareer.
2. (Qalaanqa-sha) Geed higlada u eg oo miro yaryar oo cascas dhala; caleemihiisa waxaa laga dhigtaa tabaako (buuri), danbaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo.