Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
saami1
Magac lab
1
Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo.
2
Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari.
3
Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. ld sahmi¹
Wadarta Magacan
-iyo, m.dh
saami2
Magac lab
Xisaab
Saamiga laba xaddi ama laba walax xisaabeed A iyo B waa qaybta ma jajabka labada xaddi A/B oo loo qoro A : B. 5. Tiro ama xaddi loo qaybiyey mid kale. Saamiga laba xaddi oo doorsoomeyaal ah x iyo y, oo loo qoro x/y ama x : y, waa madoorsome addooy saa-migal u tahay x.
Wadarta Magacan
iyo, m.dh
saami3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Wax sida loo kala leeyahay u qaybin.
Is-rogga falkan
-iyay, -iday; -iyi
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Saami-ga)
Wax la saanyoonayo, qaybta qof waliba gooni u helo; qori.