san (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
san
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
49 jeer ayaa la eegay
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
san1
Magac lab
1
Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexeysa oo laba dalool leh oo laga neefsado waxna lagu uriyo.
2
Meel ka soo fiiqan qararka iyo buuraha oo san u eg.
3
Daliig yar oo harag ah oo hargaha kale layskula tolo.
Wadarta Magacan
-nan, m.l
san2
Fal magudbe, isrogrogga 4aad
Wax dhibaato, xanuun iwm aan qabin ahaansho.
Is-rogga falkan
-amaa, -amayd
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. Aan xumaan lahayn; wanaagsan; fiican; suubban.
2. (San-ka) a) Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexaysa oo labo dalool (dulal) ku yaalliin oo laga neefsado waxna laga ursho. b) Xubinta ka dhigan oo sankunneeflaha kale ku taal; sandaal; gafuur. c) Wixii san u eg ama meesha uu ku yaal ku yaal, sida fiiqa buurta. d) Daliigo idiin jilicsan ah oo wax lagu daruuro.