Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
sarriig1
Magac dheddig
1
Dhawrashada sharafta la dhawrto.
2
Dulqaadka dhibaato loo dul-qaato.
sarriig2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Is-rogga falkan
-gay, -gtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Sarriig-ta)
1. Nafta iyo sharafka oo la dhawro, oo aan wax xun loo quurin; xilkas; xishood; sheex.
2. Wax dhuuban oo laamo ama wax kale ka taagtaagan yihiin oo inta gunta ilkaha ama wax kale lagaga qabto, iyadoo aan kolna la siiddeyn, dhifasho xoog leh, lagu murxiyo, lagu diiro.