Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
silsilad1
Magac dheddig
1
Xarig ka samaysan ilo ama garangarro bir ah ama wax kale oo middiiba mid ku gudajirto.
2
Taxane gabay ama maadees ama sheeko.
Wadarta Magacan
-do, m.l
silsilad2
Magac dheddig
Juqraafi
Layn buuro is haysta, oo fig leh ama aan lahayn, buurahaas is haysta, meesha ugu sarraysa waa dhuubantahay; haddii jooggu uu gaabanyahay waxay silsilladdu ka kooban tahay gunburo is haysta halkii ay ka koobnaan lahayd buuro.
Wadarta Magacan
-do, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Silsilad-da)
Xarig ka samaysan ilo ama garangaro bir ah ama wax kale oo midiba mid ku gudajirto.