Qaamuusle LogoQaamuusle

tiro

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

tiro1
Magac dheddig
1
Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay.
2
Ari ka kooban boqol (100) neef.
3
T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.
Wadarta Magacan

-ooyin, m.l

tiro2
Magac dheddig
1
(xis.) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid-da. Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi- Carab.
2
(xis.) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'.
3
(nax.) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal.
Tusaale
Kow, labo, qof
; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).
Wadarta Magacan

-ooyin, m.l

tiro3
Fal gudbe, isrogrogga 3aad
Wax meel ka ba'sasho.
Is-rogga falkan

-rtay, -ratay