Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
turub1
Magac lab
Xaashiyo cayaaro badan oo kala jaad ah lagu cayaaro oo afar cuntub u qaybsan: hadhiin, dheemman, karaawil iyo isbig.
turub2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Turub cayaarid.
Is-rogga falkan
-rbay, -rubtay; -rbi
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Turub-ka)
Xaashiyo cayaaro badan oo kala jaad ah lagu cayaaro oo afar cuntub u qaybsan: hadhiin, dheemman, karaawil iyo isbig; cuntubkiiba wuxuu ka kooban yahay ran (yeeke, baashi, raani iyo qulaan) iyo biig (tobanle taniyo labaale).