Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
wargur1
Magac lab
Hab raacatada soomaaliyeed ku dhaqanto kolka ay garramayso ama wada xaajoonaysa. Qof codkar ah ayaa hadba qofka hadlaya warkiisa qabta oo kor u qaada oo dadka wada maqalsiiya, isagoo qeexan oo quruxsan u sheegaya. ld wargurid.
wargur2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Cid hadlaysa si loo maqashiiyo ama loo ogeysiiyo in lala socdo warkiisa wuxuu yiraahdaba ka daba dhihid.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Wargur-ka)
Hab Soomaalidu ku dhaqanto kolka ay wada hadlayso ama garramayso: qof codkar ah baa hadba qofka hadla haya hadalkiisa qabta oo kor u qaada oo dadka wada maqashiiya, isagoo itaalki qeexa haya oo qurxina haya.