Makiinad waxyaalaha culculus lagu qaado, waxay leedahay sal nagi iyo gacan dheer oo wareega oo afkiisa hore xarig ama silsilad gan qaroofan leh oo wax la suro.
2
Qalab laga sii daayo yeer oo digniin bixiya.
3
Aalad gu- ryaha dabaqyada dhaadheer leh lagu fuulo lagagana soo dego.
Wadarta Magacan
-shash, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Wiish-ka)
1. Makiinad waxyaalaha culculus lagu qaado; waxay leedahay sal negi iyo gacan dheer oo wareega oo afkiisa hore, xarig ama silsilad gan qaroofan leh oo wax loo suro, ka lushaan; waxaan weligi laga waayin dekedaha wax laga soo roga hayo ama laga saara hayo, aqallada waaweyn oo la dhisayo, maraakiibta dushooda, ...
2. Qalab laga sii daayo yeer, oo shaqaalaha loogu sheego bilaabadka iyo dhammaadka shaqada; qalabkaas oo kale oo maraakiibtu leedahay.