Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
wiyil1
Magac lab
Nafley aad u weyn oo labo gees wejiga ku leh, waxaa ku gaashaa- man harag aad u qiro weyn una adag.
Wadarta Magacan
-llo, m.dh
wiyil2
Magac dheddig
Nafley aad u weyn oo labo gees wejiga ku leh; waxaa ku gaashaa- man harag aad u qiro weyn una adag.
Wadarta Magacan
-lo, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Wiyi-sha)
Nafley aad u weyn oo u xoog badan oo gees ama labo gees wejiga ku leh; waxay leedahay indho yaryar araggeeduna ma fiicna, dhegaheeda iyo sankuse aad bay wax u maqli og yihiin oo u garan og yihiin; Waxaa ku gaashaaman harag wax kasta ka qiro weyn oo ka adag; waa daaqdaa oo hilibka ma cunto.