Eray lagu isticmaalo kolka wax gaar ah la weyneynayo ama culays gaar ah la saarayo.
Tusaale
“Waa geesi oo xataa libaaxa (ama libaaxa xataa) kama baqo”
2
Haba yaraatee.
Tusaale
“Bal wax uun i sii, xataa shi- lin”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Erey lagu isticmaalo kolka wax gaar ah, la weyneyna hayo, ama culays gaar ah la saarayo, ama wax suuraggala madhaafaanka ay gaareen ama ayan dhaafi karin xoog farta loogu fiiqayo (sida: Cali tuugaa u soo dhacday oo xataa dharkii ka xadday; Ninku waa geesi oo xataa libaaxa kama baqo; Bal wax uun i sii, xataa shilin) - bal wax kale ama cid kale daaye; taniyo; -na.