Qaamuusle LogoQaamuusle

xisaab

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

xisaab1
Magac dheddig
1
Wax inta tiradoodu la egtahay.
2
Garsoorka uu Eebbe aakhiro mariyo addoomadiisa.
3
Cilmiga tirooyinka iyo joometeriga.
xisaab2
Magac dheddigXisaab
1
Waxa jira siyaabo badan oo loo qeexi karo xisaabta, hase yeeshee, qeexidyadaasi ma aha kuwa loo qaadan karo qeexidda ereyga.
2
Barashada sida ratibaa- dyo iyo xiriiro loo bandhigo la isuna gaar- siiyo.
3
Barashada tirooyinka, shaxannda iyo qaybo kale oo lojik ahaan.
4
Barashada tirooyinka, shaxannada iyo qaybo kale oo lojik ahaan loo adeegsado. Waxaa loo qaybiyaa xisaab saafid iyo dabaqaad. Inkastoo qaybintu aan ahayn mid go'an misna labada qaybood waa ay isku xiranyihiin.
xisaab3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax tirin.
2
Garsoor samayn (Ilaah).
Is-rogga falkan

-bay, -btay