Qaamuusle LogoQaamuusle

afduub

2 Qaab ayuu ereygan leeyahay

afduub1
Magac lab
1
Xoog iyo khasab cid lagu kaxaysto si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado.
2
Afsaab.
3
la midka ah (ld):
afduubid
afduub2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Xoog ama khasab cid ku kaxaysasho si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado.
2
Af (dad ama xoolo) wax ugu duubid.
Is-rogga falkan

-bay, -btay