Qaamuusle LogoQaamuusle

ba'an

4 Qaab ayuu ereygan leeyahay

ba'an1
Fal magudbe, isrogrogga 4aad
1
Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm).
2
Wax gardaran ahaansho.
3
Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho.
Tusaale
Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay
4
Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho.
Tusaale
Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay
Is-rogga falkan

-'naa, -'nayd

baan2
Magac lab
Koox ciidamada ka tirsan oo tunta muusikada gaardiska.
Wadarta Magacan

-nan, m.l

baan3
Magac dheddig
Cunno nafaqo leh oo lagu dheefiyo qof buka ama dhaawac ah.
baan4
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Hadal dhaar, faan iyo handadaad isugu jira dhihid.
Is-rogga falkan

-nay, -ntay