bal (Magac lab urur) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
bal
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
63 jeer ayaa la eegay
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
bal1
Magac lab urur
Geedka galleyda ama meseggada oo aan miro lahayn.
bal2
Erey dareen
1
Qurub la isticmaalo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska dhiirrigeliyo.
2
B. in: haddii.
Tusaale
“B. inaan eegi karo aan soo durko”
“Weyddii b. inay fog tahay”
“B. hoo”
“B. ina keen”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. Erey ulajeeddooyin midabyo badan leh sida 'waa yahay e,' 'Arrintii hore daayey ama ka noqday e,' oo la yiraahdo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska yeersiiyo (wax aan lagu jacsanayn ama cagajiid lagu yeelo); Bal hoo, bal kaalay, bal ina keen; wiilka bal u yeer.
2. (Bal-ka) a) Geedka meseggada, galleyda, kd. inta laamaha iyo caleemaha ah. b) Ballan; wacad; axdi.