balaasma
Magac dheddigCilmiga-naflayd
Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.