Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
daaddeg1
Magac lab
Meel taag ah gollaheeda.
Wadarta Magacan
-gyo, m.dh
daaddeg2
Magac lab
Juqraafi
Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.