Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dabbaaldeg1
Magac lab
1
Damaashaad lagu sameeyo fardo la cayaarsiinayo.
2
Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xuso.
Wadarta Magacan
-gyo, m.dh
dabbaaldeg2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
1
Maalin muhiim ah ciyaar ku xusid.
2
Fardo ku damaashaadid.
Is-rogga falkan
-gay, -gtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dabbaaldeg-ga)
Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xusa hayo, madax ama la duuba hayo ama booqasho ku timid, aroos. kd.; Xus; damaashaad