Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dhadhaab1
Magac lab
Jaad geedaha ka mid ah oo xididkiisa laysku daweeyo.
Wadarta Magacan
-bbo, m.dh
dhadhaab2
Magac dheddig
1
Meel leh dhagax fidsan oo is haysta.
2
Meel maydka lagu dhaqo.
Wadarta Magacan
-bo, m.l
dhadhaab3
Magac dheddig
Jooloji
Walax adag ee qolofta dhulku ay si weyn uga samaysantahay; walaxdaas oo ka kooban macaadin; mararka qaarkood waxay ka koobantahay hal macdan oo kaliya, laakin sida badan waxay ka koobantahay dhawr macdannod.