Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dhalo1
Magac dheddig
1
Wax kasta meesha u sarraysa; fiin.
2
Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah.
3
Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.
Wadarta Magacan
-ooyin, m.l
dhalo2
Fal magudbe, isrogrogga 3aad
1
Ilmo uur ku jira ifka (aaduunka) imaansho.
2
Soo bixid ama kawsasho (bil ama dayax); bilasho.
3
Wax aan horay u jirin, abuurmid.
Tusaale
“Kacaan baa dhashay”
4
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dhala-da)
1. Madaxa meesha ugu sarraysa; kug; dhako.
2. Wax adag, jabina og, oo dhalaala, oo wixii ka shisheeyaa muuqdaan oo dabaysha celiya iftiinkana soo daaya; waxyaalo badan oo aan la tirin karin oo dadka aad iyo aad wax u tara baa laga sameeyaa; dhawr waxyaalood oo laysku dardaray bay ka kooban tahay: ciid, sooda, xaraar...