dooxo daldalan
Magac dheddigJuqraafi
Waadi laageed ku darma waadi weyn, laagtaas oo ka soo dhacaysa meel joog door ah ka sarraysa waadiga weyn, sidaas darteed biyaha ku qulqulaya waadi laageedkaas waxay ku galaan waadiga weyn si biyo dhac ama daadag ah. D.ooyinka ama waadiyaasha daldalan waxay caan ku yihiin dhulalka socodka baraf weynuhu uu gooyay.
Wadarta Magacan
-ooyin ..., m.l