duub
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
duub1
Magac lab1
Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto.
2
D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iwm ah.
Wadarta Magacan
-bab, m.l
duub2
Fal gudbe, isrogrogga 1aadXoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid.
Is-rogga falkan
-bay, -btay
duub3
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad1
(f.g) Dermo, maro, xarig iwm dhowr jeer isku-dulwareejin.
2
(f.g) Nabar gaarso ku marid.
3
Cid boqrid.
4
Cajalad, hadal, hees, iwm ku sajalid.
5
(f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn.
6
(f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin.
7
(f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid.
Is-rogga falkan
-bay,-btay