faal (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
faal
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
46 jeer ayaa la eegay
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
Magac lab
Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Faal-ka)
Farsamo la yiri waxaa lagu ogaadaa waxa soo socda oo dhici doona ama ahaan doona: waa dhibco 16 beyd u qaybsama; iyagoo aan loo fiirsan baa dhulka lagu dhigaa oo beydadka soo baxa la sii ilmeeyaa oo laysku sii jarjaraa; wuxuu ku dhisan yahay male.