Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
garangar1
Magac dheddig
1
Bir wareegsan dhexda ka bannaan oo carruurtu ku ciyaarto.
2
Hab loo dego oo aqallada lagu wareejiyo xoolaha. ld garaangar, garaangir, giraan, giraangir, girangir.
Wadarta Magacan
-ro, m.l
garangar2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Wax si dilindillo ah u socosho. ld garaangar², garaangir², giraangir², giringir².
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Garangar-ta)
1. Qalab ama daruur wareegsan oo iskii kor wareega oo bartanka ku leh wadaage isu haya; baabuurrada iyo wixii culus ama la doonayo in fudayd iyo dhaqso loo wado, baa loo yeelaa oo lagu dhaqaajiyaa.
2. Wixii garangar qaabkeed, ama dhaqaaqeed leh; gadow.