Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
go'doon1
Magac lab khabar
G. ah: xaalad cid geyaysiisa in uu meel ku xayirmo.
go'doon2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Meel, wax aan la geli karin lagana bixi karin noqosho.
Is-rogga falkan
-oomay, -oontay; -oomi
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Go'doon-ka)
Wax badan ama intii kale oo inta laga dhex baxay ama laga fogaadey, laga go'ay, si dib loogu soo laabtaana ay suuraggal noqon weydey; meel dalka ama dadka intiisa kale ka go'an oo aan la tegi karin lagana imaan karin.