Nooc daayeerka ka mid ah oo dadka u eg oo ku nool Afrika oo dhererkiisu gaaro laba mitir ama ka badan. ld gooriilla.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
* Daayeerrada dadka lagu soo sooco oo adduunka kan ugu weyn; wuxuu ku nool yahay Afrika. Dhererkiisu wuxuu gaaraa labo mitir iyo ka kor, culayskiisuna 300 (saddex boqol) oo kiilogaraam. Wuxuu lee yahay: madax weyn, sur gaaban, indho yaryar, san dulal waaweyn iyo dhogor oogadiisa ku wada rogan. Dabo ma laha; (ama gooriilla).