Isku ladidda hawl ama arrin wax ka qabashadeeda la isku lado; xoogdhabiil; dhagar.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Hagar-ta)
Hawl ama arrin ama wax kale oo wax ka qabashadood lays faray, oo laysku lado, si ay u xumaato ama ayan u wanaagsanaan; lillaahi-darro wax ku qabasho; aqoonta iyo xoogga hawsha qabashadeedu u baahan tahay ku bakhaylid; dhagar; xoogdhabiil.