hir (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
hir
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
61 jeer ayaa la eegay
4 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 4 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
hir1
Magac lab
1
Dhaqdhaqaaq biyaha baddu sameeyaan o heerkoodu kor iyo hoos ugu kaco.
2
Muuqaal fog ee caad, bad, buuro iwm ah.
3
Mowjadaha hawada ee baahiya codadka iyo muuqaallada; mowjad.
Wadarta Magacan
-rar, m.l
hir2
Magac lab
Fiisikis
Labid kaleed ee dhextaal ama dululaati. Marka uu hir socdo, garurka ayaa tamarta meel ka kexeeya, geeyana meel kale.
Wadarta Magacan
-rar, m.l
hir3
Magac dheddig
Nafley bar yar oo buuralayda ku nool (ari).
hir4
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Meel dheer ka soo muuqasho.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Hir-ka) a) Hor iyo dib u socodka ama kor iyo hoos u socodka ka samaysma badda korkeeda, hawada iyo wixii la mid ah; mowjad; waddac. b) Muuqaal weyn oo hirka badda u eg (xiriirka buuraha, cirka, kd.).