Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
jebis1
Magac lab
1
In is haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da.
2
(-syo, m.dh) Ood weyn oo is haysata oo kol la gooyo; tis.
3
Rarada iwm meesha afka ah ee laga laabo.
4
J. ah: waddo weyn oo aan la falin ee maritaan keliya ku samaysantay.
5
Laba dawlis oo laysku soohay.
6
jebis2
Magac dheddig
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Jebis-ka) a) In is-haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da. b) Ood weyn oo is-haysata oo kol la gooyo; tis. c) Rarada, kd., kobta ama afka laga jebiyo, laga bilaabo (sida taxtaxa kebdaha). d) Waddo aan la falin. e) Jebin.